Wednesday, January 3, 2018

Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaido Badan Sameeya

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo  damaashaad tagaan, waxaa  hareeraha xeebta ku teedsan ganacsiyo yar yar oo shaqeeya   kaliya maalmaha Khamiista iyo Jimcaha waana  maalmaha ay ugu mashquulka badan tahay xeebta Liido marka loo eego maalmaha kale ee todobaadka.

Kumanaan qof oo isugu jira da’yar iyo duqoow oo Liido usoo dalxiistaga ayaa ka adeegta ganacsiyada ka shaqeeya xeebta  kana hela waxyaabaha ay ubaahanyihiin.

Goobo lagu iibiyo cunnooyinka fudud, cabitaano, jalaatada, jaakadaha dabaasha, iyo goobo lagu kireeyo doomaha ayaa ka mid ah meelaha ugu dhaqdhaqaaqa badan.

Sidoo kale waxaa jira haween iyaguna ka macaasha heynta dharka iyo agabyada kale sida taleefoonada gacanta  oo ay leeyihiin dadka ku dabaalaanaya badda.
Sidoo kale ganacsiyada ka jira xeebta Liido waxaa kamid ah doomo dadka u fududeeyo in ay ku dalxiisaan badda gudaheeda maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayeyna si aad ah u shaqeeyaan doomahaas.
dadka iska leh doomaha ay ku dalxiisaan shacabka  u soo damaashaad taga xeebta Liido oo ka hadlaya qiimaha lacageed ay dadku uga kireeyaan doomaha ayaa yiri “doomahan  maalmaha Sabtida illaa Arbaca waxaan u adeegsannaa kalluumeysi  laakiin maalmaha Khamiista iyo Jimcaha dadka oo badan awgiis waxaan u adeegsanaa in aan ka kireyno dadka usoo damaashaad taga bada, waxaan ku kireynaa qiimo dhan 22,000 Shilinka Somaaliga ah oo u dhiganta 1 dollar. Balse marka ay dadku badanyihiin waxaan u sameynaa discount  ama qiimo dhimis”

No comments:

Post a Comment