Taliska hoggaanka scdaalka Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaray Baasaboorka Soomaaliya, isagoona daaha ka rogay arrimo qarsoonaa oo ku wajahan shuruudo hor leh oo laga soo saaray qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah.
Maxamed Aadan Koofi Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inay khubaro u xilsaarayaan kala talisa sidii Baasaboorka ay ugu heli lahaayeen aqoonsi caalami ah, wuxuuna sheegay in dalalka caalamka qaarkood ay u socdaan wadahadalo arrintaasi ku saabsan.
Taliye Koofi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Somali Cable ayaa ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u dulqaataan shuruudaha lagu xiray qofka doonaya Baasaboorka, isagoona sheegay in shuruudaha qaarkood ay yihiin kuwo aad u adag.