Monday, December 18, 2017

Khilaaf ka khaliijka oo saameeynta uu ku yeeshay Somaliya xaga siyaasada

Murankii ka dhashay mowqifka dowladda Somaliyaay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, markastana waxaa kasoo kordhaya wax cusub oo arrimaha sii murginaya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u talaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadinaya laamaha dowladeed ee Soomaaliya oo markii hore ku jiray xaalad dib usoo kabasho.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid ul booc ah ku kutubayay, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.

Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka xulufadaha Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dawladdaFarmaajo iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe siinaya awoodda ay go’aan uga gaadhi lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda Muqdisho ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

Maamulka Puntland ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu taageero ugu muujiyay dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna taageeray dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, waana mawqif ka duwan mawqifka uu qaatay Mr. Farmaajo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsiga dalka ka jira.

Waxa uu ku baaqay in uu Kismaayo ku fidinayo gogol la’isugu keenayo madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada si loo turxaan bixiyo madmadoowga soo baxay.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ka mid yahay labada hogaamiye ee aan ka hadlin moowqifkooda ku aadan khilaafka Khaliijka iyo go’aanka dhowladda dhexe.

Baarlamaanka Muqdisho ayaa iyaguna geestooda ku hanjabay inay u yeedhayaan safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho, waxaanay sheegeen inay mooshin ka keenayaan dawladda UAE.

Dhanka Mucaarad kana saameen ayuu ku yeesha waxaad aragta hada qaraabkii siyaasiyiin la diidan yahay in qaraabtaan waxaad arkaysaa in xeer ilaaliyaha lee yahay waxay galeen qaran dumis waxa hada xiran siyaasi c/raxmaan c/shakuur waxaa kalo hada jiray in xildhibaano iyo madax kale in la soo xira la rabo , Somaliyeey khilaaf ka khaliijka waa na saameeyay ma dhihi karna xaga siyaada xasiloonideena dowlada hada qaraab waa diiday mida siyaasiga midii maamul goboleedyadana waa laga cafiyay taasi waxaa laga waaxda cadaalada iyo xeel ilaaliyaha 

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo socda Muqdisho

Xaalado siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Tallaabada lagu xiray siyaasiga iyo weerarka habeen madow lagu qaaday gurigiisa ayaa durba ka dhashay fal celino kala duwan iyo abaabul siyaasadeed oo mar kaliya laga dareemay magaalada.

Inkastoo aanay wali dowladda Soomaaliya wax war ah ka soo saarin xariga Siyaasigan ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, hadana waxaa socda kulamo kala duwan oo dowladda dhexdeeda iyo kuwa ay leeyihiin siyaasiyiinta.

Wararka aanu ka heleyno Hotelka Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa arrintii xalay dhacday, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed.

Sidoo kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo ciidamo la dhigay, waxaana xiritaanka waddooyinka lagu sababeeyay xaqiijinta ammaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya dibad baxyo jiraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.