Intaa kabacdi aqrisoow! Caqliga EEBE wuxuu inoosiiyey in aan kufikirnee, hadii dowladu weerareeyso senator Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka, oo xasaanad dastuuri ah leh, maxeey ucodsaneeysey in xasaanada marka hore lagaqaado laba Xildhibaan, oo aan sida Qeybdiid looyaqaanoo kale loo aqoon? Waxbaa khaldane yaan dowlada lagu fududaan marka!
Weerarkii maalintii Sabtida, taariikhduna kubeegneyd Disimber 30, 2017-ka ee kadhacay guriga senator Cabdi X.C.Qeyb-Diid isagoonba joogin, kaasoo eey geeysteen ciidamada Imaaraatka sootababartay, ee aan amar dowlada Soomaaliya ah kusocon, sida latuhunsan yahay wuxuu ahaa shirqool-Siyaasadeed oo Imaaraarka maleegtay, balse nasiibwanaag! Kafashilmay. Waase Allaah mahadiis in dowladu hore kafahamtay, degdegna uga hadashayoo uga jawaab bixisay.
Waxaa degdeg uga hadlay, sharcidaro ku tilmaamay, in labaaro kuwii kadambeeyeyna sharciga lahorkeeno amar kubixiyey madax uu ugu horeeyey Madaxweeynaha qaranka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Raysalwasaaraha Xasan Cali Kheyre, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha ciidamada qalabka-Sida Gen. Cabdiweli Gorod, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqqdisho Thaabit Cabdi ……….IWM.
MUXUU AHAA HADAFKA WEERARKAA LAGALAHAA?
Sida loofasirankaro hadafka Imaaraatku kalahaayeen weerarkaa wuxuu ahaa:
A-In dowlada iyo labada aqale Baarlamaanka la isku diro, iyadoo loodirayo fariin ah, in xitaa xasaanad eeysan dowladan ku dhowreyn dhaamaantood, taasoo micnaheedu noqonayo, midkastoo iyaga kamid ah in laweerari karo, sidaa daraadeedna tahay in eey mooshinnada Imaaraatka kadhexwado eey wada saxiixaan, lacagtoodana qaataan, dowladana laridaan Imaaraatka. Ogoow! Labada aqal waa meelaha eey mooshinnada lacagaha kubixineeyso kawado Imaaraatka, illaa hadana lacagihii shaqeyn la’yihiin.
B-Wuxuu sidoo kale hadafku ahaa in “Beel gaar ah” lagu kiciyo, maadaama CC Shakuur oo eey CXC. Qeeybdiid isku beel yihiin, weerarkiisiina dowladu qaaday, balse CC Shakuur aanu laheyn wax xasaanad ah, maadaama aanu kujirin labada aqal midkoodna, waxaa fariinta weerarkan lagu gudbinayo larabay in eey noqoto, “War xitaa kiinii xasaanada lahaa lama dhaafayo!”, taasoo caadifad kicin ( emotional blackmailing) in badan oo qabyaalada lajadbeysan ugu filnaan laheyd, si dowlada loogu furo qalalaase hor leh.