Wednesday, November 2, 2016

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka hoose oo maanta ka bilaabatay Cadaado

November 2 (Jowhar)— Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in maanta oo ku beegan taariikhda 2-bisha November ay si rasmi u bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xareeyeen illaa 969 ergo, kuwaasoo dooranaya 19 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Musharaxiinta 19 kursi waxay iska diiwaan geliyaan xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug, inay yimaadaan xarunta doorashooyinka”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Afhayeenka ayaa sheegay in 7 kursi ay sugayan inay soo dhameystirayaan, isla markaana ay rajeynayaan in howshaas ay maalmaha soo socda u soo gaba gabowdo.

Degmada Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq dhaqaayo ku aadan doorashada Aqalka hoose, iyadoo ay ku qul qulayeen siyaasiyiin doonaya inay ku guuleystaan Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka.