Sunday, December 17, 2017
Samo Raadis: Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisa...
Samo Raadis: Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisa...: Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay qiratay in lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay Barnaamij sir ah oo soo bilow...
Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisay Barnaamij Sir ah
Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay qiratay in lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay Barnaamij sir ah oo soo bilowday sanadkii 2007-dii soona socday ilaa 2012-kii.
Barnaamijkan sirta ah ayaa loogu tala galay in lagu ogaado waxa ay yihiin iyo cida isla leh wax u eg diyaarado aan heynbtooda la aqoon oo labgu arkayay hawada dalka Mareykanka.
Xubno yar oo kamid ahaa Wasaarada Difaacada dalka Mareykanka Pentagon ayaa la socday barnaamijkan sirta ah oo soo dhamaaday shan sano kahor, waxaana barnaamijkan Wasaarada uga baxay Malaayiin Dollar oo lacag ah.
Sida uu qoray Wargeyska New York Times waxaa barnaamijkan sirta ah soo bilaabay senetka lagu magacaabo Harry Reid, waxaana halkeeda kasii waday sanet kale oo laga soo doortay gobolka Nevada.
Waraaqo laga helay barnaamijka sirta ayaa muujiyay waxyaabo diyaarado u muuqaal eg oo si xowli ah ugu dul soconaya circa iyo kuwa ku wareegsanaya oo aan loo jeedin sida uu daabacay Wargeyska New York Times.
Harry Rei, oo ahaa Madaxa barnaamijkan ayaa beeniyay waxyaabaha lagu qoray Wargeyska New York Times, waxa uuna sheegay in baaritaanka la sameeyay uu la xariiray arimo khuseeya amniga iyo Seyniska.

Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxbarashadu waxay ina siinaysaa aqoonta aduunka ee nagu wareegsan oo aynu ku bedelno wax si ka fiican. Waxay nagu horumarineysaa aragtida...
-
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo damaashaad tagaan, waxaa hareeraha ...