Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa uhorqaadi kara
dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana lahogamiyaa
bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo jacaylka
waxa wanaagsan oo kaliya.
Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama
gadaal baa laga cadaadiyaa siay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarato
Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh
tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa.
Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa,
waxaana ka dhumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna dabamartaa dhinacay ku badbaadi
lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho,
kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba.
Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan
la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto,
noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya,
magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada.
Caddaynta ugu weyn ee taa aan usoo qaadan karraa waa in
Markuu Rasuulkeenii Suubana (scw) dhintay, Saxaabadii ayna kudegdagin inay
duugaan Meydka aadka usharafta badan, iyagoon dooranin Khaliifa/ Hogaamiye
Ummada majaraha uqabta. Saddex maalmood ayayna wadeen wadatashi iyo loolan
hogaamiye doorasho.
Waxayna doorteen Abuubakar Alsidiiq, Rabbi haka raali
noqdee, isaga ayaana qabtay Khaliif-nimadii ummada, loogana amar qaatay sidii
Rasuulka (scw) loo duugi lahaa lafteeda. Waxaa kaloo taa sii caddaynaya inuu
Rasuulku (scw) yiri (hadday saddex qof Safar ubaxaan ha doorteen Amiir/
Hogaamiye talada uqabta) siayna isaga hor imaanin. Maxaayeelay Ilaahay wuxuu
ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir.
Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo
Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan
Unugyada kale ee Aduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii system ay
kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, midwalibana keeno kanlkale intii ka
dhimanayd ama intii isaga looga baahnaa, isagoon kuwii kale dhibin, kana hor
imanin.
Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato
Hogaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada
kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin
qaybihii kale ee bulshada.
Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa Ummado waayay
Hogaan ujeexa Jidkay kugaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga
cabsado, siuuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo,
kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.
Mudnaanta ay leedahay in lahelo Hogaan sax ah, waamid aad u
weyn, maxaayeelay waxaa badan dadku inay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha
hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto
Hogaamiyahoodu).
Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri (2 Qaybood oo Bulshada
kamid ahi haday toosaan/Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa,
labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).
Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha
Hogaamiyuhu?
Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah
Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.
Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama ladhaxlaa, qaarna
waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa layiri saxaabi la oran jiray
Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado,
wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay
tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay).
Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye unoqday waqtigiisii hogaamiyaha
Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha
Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna
loo baahan yahay in loosii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye
hooyadii kutaa-maysay.
Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo
isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan. Isla markaana Ummadu ay
siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada ushaqaynayo,
hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda siixoojinayo.
Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way
badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan
karaa kuwan soo socda:
1. Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana
dagaalamaya qofkasta Hogaaiye manoqon karo.
2. Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo
gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaayeelay dadka qaarbaan kuu
hogaan-samaynin hadaada Afka wax ugalinin.
3. Caqli badan iyo garasho sare, siuu ukala sooci karo
dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta
uguhaboon ee laga bixin karo. (waxaa layiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa
hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu kudhamaado). Marka
qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad kujawaabi lahaa, Dagaal buu kabilaabaa,
meeshii Dagaal iyo raganimo ubaahnaydna wuu kaseexdaa.
4. Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah/ waxmatare
ahi, hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga
talaabsan, ummadiina waa laqabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood
lagaga haybaysto.
5. Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka
Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba maho-gaamin karo maadaama ay
adagtahay inuu kalagarto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan
qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka
kusheegay dhawr jeer, isagoo kuyiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay
kahad-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت
القَويُ الأمين Nabi Yuusufna
markuu kacodsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu kadhigo wasiirka Lacagta wuxuu
yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).
6. Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo
argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Ciyaalka, Hogaan sare
manoqon karo, maxaayeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa,
halkaana ummadii baa ku jabaysa.
7. Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay siadagna
uhaysto, (Yaqiin) diyaarna uah inuu Ummadiisa kuhogaamiyo kuhormariyo. Labadaa
tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; وجعلناهم أئمة يهدون بأمرنا لما صبروا وكانوا بآياتنا يوقنون
8. Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka latashanini
wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagujabaa, waana mid aan waqtiga
xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka aykeento. Waxaa kamid ahaa
dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oranjiray Saxaabadiisa markasta oo
ay kahortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala
isiiya/ ilataliya). Qofkii dadka latashadaa caqligooduu lawadaagaa, kala
faaiidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada
kaqaadaana isagaa iscariirya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid
iyo dulinimo.
No comments:
Post a Comment