Saturday, January 13, 2018

Quruxda Caasimada muqdisho iyo Goobaha Dalxiiska baro

Daawo sawirada Damaashaadka Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho maalinta jimacaha oo ah maalinta kaliyaah ee laga nasanayo shaqooyinka ayaa waxaa halkaasi isugu yimid qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo ka nasanaya mashquulka maalmaha kale sida shaqada, iyo Waxbarashada.

Sawiradan ayaa waxa ay ku tusayaan muuqaalka iyo jawiga xeebta Liido, iyadoo mujtamaca u soo damaashaadka taga ay isbuuc walba isbuuca ka danbeeya ay intaasi kasii badanayaan.















Amaanka xeebta liido ayaa hadda ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamadu booliskuna ay ilaalinayaan amniga iyo degenaanta xeebta liido ayaa waxaa kaloo xeebta ku sugan ciidamada Badbaadada xeebta (lifeguard) kuwaas oo soo badbaadiyo dadka ay biyaha la tagaan.



Hadaba Meelaha loo Dalxiiis Tago ee Dagmada Dayniile ayaa Waxaa inuu suuragashay in aan Sawiro kasoo Qaadno si aan Shacabka Soomaaliyeed Kuwooda Dalxiiska u tagaya Magalada Muqdisho ee u soo booqdaan goobahaan Laga Hirgaliyay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Maxamed Cali Jiisow oo ah Milkiilaha Goobtaan loo soo Dalxiis Tago ayaa Mar aan wax ka waydiinay Sida uu Dareenkiisa Yiri “waxaan aad u jecleystay in aan maalgalin ku sameeyo dalkayga hooyo waayoo meel ii dhaanta ma jirto dalkeyga qurbo waan soo arkay Maantana waxaan jeclahay In aan Maal galiyo dalkayga jooyo ee Soomaaliya“

No comments:

Post a Comment