Monday, February 5, 2018

Mid kamid ah Baarayaasha Caalamiga ah oo lagu khaarajiyay Dalka kenya…

Esmond Bradley oo ahaa Mid ka mid ah baarayaasha ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska Wiyisha ayaa lagu dilay dalka Kenya.

Bradley oo 75 jir ahaa ayaa Axaddii maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi isagoo ay qoorta kaga taalo dhaawac mindi loo adeegsaday.

Waxa uu markii ugu horeysay yimid Kenya 1970 markaasi oo uu samaynayay baaritaano ku aadan foolasha Maroodiga ee laga ganacsdo.

Martin oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa daryeelka wiyisha ayaa caan ku ahaa in si qarsoodi ah uu ku ogaado qiimaha suuqyada madow ee foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Ninkani oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhawaan ka soo laabtay Myanmar oo uu cilmi baaris ka samaynayay, isagoo ku guda jiray markii uu dhimanayay geedi socodka qoridda natiijadii baaritaankaasi.

Booliiska ayaa baaraya dhimasahada Bradley Martin, waxayna ka shakisan yihiin inuu falkaas ahaa dhac fashilmay.

Ninkan ayaa muddo toboneeyo sano naftiisa halis u galiyay in si qarsoodi uu u sawiro oo uu qoraalo uga sameeyo foolasha Maroodiga iyo Wiyisha sida sharci darada ah loo iib geeyo.

Wasiir Beyle oo soo bandhigay Wixii u qabsoomay si kululna u weeraray Dadka kasoo horjeeda Canshuurta DFS…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C.raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta ka Warbixiyey Waxyaabaha u Qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Sanadkii lasoo dhaafay, Guulaha ay gaadhay iyo Waxyaabaha u Qorshaysan.Dhinaca kale Wasiir Bayle ayaa u jawaabay dadka dhaliilaya Canshuurta gadista ee Wasaarada Maaliyadda ay bilowday. “Wallaahi Billaahi Tallaahi inaad dalkan joogtaa qalad ah adeer