Thursday, September 20, 2018

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa hadalo ka jeediyay agaasimhii hore ee hay’adda nabad sugida Qaranka Injineer Axmed Macalin Fiqi waxa uuna sheegay in uu aad ugu farax sanyahay xil wareejinta



Agaasimihii hay’adda nabad sugida oo xilka ku wareejiyay agaasimaha cusub

Munaasabad uu xilka kula wareegayay agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen Saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan oo aheyd mid uu xilka kula wareegayay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida Qaranka C/kariim ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimihii hore ee nabadsugida Qaranka ku xigeenadiisa, taliyaha ciidanka Qalabka sida, taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, taliyaha ciidanka dambibaarista, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa hadalo ka jeediyay agaasimhii hore ee hay’adda nabad sugida Qaranka Injineer Axmed Macalin Fiqi waxa uuna sheegay in uu aad ugu farax sanyahay xil wareejinta uu maanta sameeyay waxa uuna xusay in mudadii uu xilka hayay ay hay’adda ku tilaabsatay hormar balaaran.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka kooxda shabaab ay yihiin Qawaarij uu nabigeena Muxamada “SCW” baneeyay in la dilo isagoona kula dardaarmay ciidanka dowladda in ay dilaan dhigoodane uu yahay mid banana.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibanadii ka qeyb galay munaasbada ayaa xusay in agaasimihii hore ee nabad sugida uu ahaa geesi howlkar ah oo muujiyay dadaal badan.

Axmed Macalin Fiqi agaasimihii hay’adda nabad sugida Qaranka ayaa xilkiisa waxa uu iska casilay 25 bishii March isagoona warqada istiqaalada ah u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxana uu isla maalintaasi uu si KMG ah uu madaxweynaha ugu magacaabay agaasimaha haatan lagu wareejiyay xilka.