Wednesday, March 14, 2018

Saynisyahan Dunida caan ka ahaa oo Geeriyooday

Stephen Hawking oo u dhashay dalka UK ayaa ahaa saynisyahan caalamka oo dhan laga yaqaan isla markaana ku takhasusay culuumta Astronomy iyo Physics.

Hawking ayaa wax badan ka qoray cilmiga falaga, waxaana kamid ahaa buugaagtiisa sida weyn loo akhristo buug uu qoray sanadkii 1988 oo uu ciwaan uga dhigay; A Brief History of Time.

Wuxuuna bare ka ahaa jaamacada University of Cambridge ee dalka UK.

Wuxuu dhawaan ku biiray aqoonyahanada soo dhaweeyey dhaq dhaqaaqa loo yaqaan (BDS) The Boycott, Divestment, Sanctions ee doonaya inay cadaadiska saaraan Israel inay xuquuqdooda siiso shacabka Falastiin, wuxuuna sanadkii 2013 diiday inuu booqdo Israel oo lagu casumay, kadib markii ay sidaa ka codsadeen aqoonyahanada reer Falastiin.

Aqoonyahankan ayaa waxaa ku dhacay cudurka loo yaqaan ALS markuu jiray 21 sano, cudurkaasi oo baralis ka dhigayey xubnaha jirkiisa 55 sano ee lasoo dhaafay, walow uusan marnaba ujoojin shaqadiisa.

Cudurka ALS ayaa inta badan dadka uu ku dhaco ay dhintaan 2 illaa 3 sano gudahood, waxayna dhakhaatiirta horey ugu sheegeen Hawking inuu dhiman doono intuusan gaarin 25 sano, balse ninkan ayaa xalay ku dhintay da’da 76 sano.


Wednesday, February 14, 2018

Tuesday, February 13, 2018

Monday, February 5, 2018

Mid kamid ah Baarayaasha Caalamiga ah oo lagu khaarajiyay Dalka kenya…

Esmond Bradley oo ahaa Mid ka mid ah baarayaasha ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska Wiyisha ayaa lagu dilay dalka Kenya.

Bradley oo 75 jir ahaa ayaa Axaddii maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi isagoo ay qoorta kaga taalo dhaawac mindi loo adeegsaday.

Waxa uu markii ugu horeysay yimid Kenya 1970 markaasi oo uu samaynayay baaritaano ku aadan foolasha Maroodiga ee laga ganacsdo.

Martin oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa daryeelka wiyisha ayaa caan ku ahaa in si qarsoodi ah uu ku ogaado qiimaha suuqyada madow ee foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Ninkani oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhawaan ka soo laabtay Myanmar oo uu cilmi baaris ka samaynayay, isagoo ku guda jiray markii uu dhimanayay geedi socodka qoridda natiijadii baaritaankaasi.

Booliiska ayaa baaraya dhimasahada Bradley Martin, waxayna ka shakisan yihiin inuu falkaas ahaa dhac fashilmay.

Ninkan ayaa muddo toboneeyo sano naftiisa halis u galiyay in si qarsoodi uu u sawiro oo uu qoraalo uga sameeyo foolasha Maroodiga iyo Wiyisha sida sharci darada ah loo iib geeyo.