waa maqaal yar oo aan rabo in aan ku sharaxo waxa aan ula jeedo wan subag sii markii la doortey farmaajo waxa uu raisal wasaare u doortey nin ladan oo ka yimih qurbaha, asiga waxaa uu keensaday wasiiro u badan quraba joog ama dad ladan ayagiina waxay shaqaalo ama agaasimayaal u shaqaalaysiisteen qurba joog shaqsiyaad ladan waxaan is waydiiyay dad kii qorax joogta wadan kii waa laga xigsaday oo waxaa laga dhigay dad aan wadiniyeen aheen ama wax ma tarayaal ah sida ka muuqata nidaam ka hada jira ma u aragtaa arintaan in ay tahay wan subax sii nin ladan wax ku darso si adiga barito aad wax u hesho arintaad dad badin waa ay fahansanyihiin waxaan filaa in ay gabar gaaban u gu fadhiyaan qurba joog ......
Monday, June 12, 2017
Sunday, November 6, 2016
Doorashadii Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle oo dib u dhacday iyo Xiisad taagan
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirhabele ayaa sheegaya in maanta uu dib u dhac ku yimid doorashadii la filayay in lagu doorto Xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Hirhabelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa lagu wargaliyay in maanta uu dib u dhac ku yimid doorashada xubnaha Aqalka sare, walina lama shaacin waqtiga la dhageesanayo Khudbadaha musharixiinta iyo sidoo xiliga ay dhaceyso doorashada Xubnaha Aqalka sare.
Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay liiska Musharxiinta Aqalka sare uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka taagan magaalada Jowhar, Madaxweynaha ayaana labo liis oo kala duwan saacado gudahood soo saaray taa oo abuurtay xiisada.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa kasoo horjeeda Liisaska kala duwan uu soo saaray Madaxweyne Cosoble, waxa ayna Xildhibaano badan saxiixeen Warqad ay uga soo horjeedaan sida uu wax u wado Madaxweynaha.
Kulamo siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Jowhar oo xal loogu raadinayo sidii ay u qabsoomi laheed doorashada Xubnaha Aqalka sare, waxa ayna taa badalkeeda Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyana wadaan abaabulo ay kaga soo horjeedaan Liiska Madaxweyne Cosoble.
Doorashada Xubnaha Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirhabelle ayaa lacag cabsi qabaa in uu ku yimaado db u dhac maalmo qaadata, waxaana arimahan imaanayaan xili maamulada kale qaarkood bilaabeen in ay doortaan Xubnaha aqalka hoose ku matalaya.
Thursday, November 3, 2016
Jowhar oo ay ku Qul Qulayaan Dad Xil Doon ah si ay u helaan aqalka sare
Magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku qulqulaya Siyaasiyiin iyo Musharaxiin damac kaga jira qabashada xilalka Aqallada Hoose iyo Midka Sare ee dowladda cusub ee Soomaaliya.
Arrintaasi, ayaa magaalada Jowhar u yeeshay muuqaal ka duwan kii ay lahaan jirtey, marka loo eego saxmadda iyo ganacsiga. Warbixintan waxa Jowhar ka soo direy wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.
Arrintaasi, ayaa magaalada Jowhar u yeeshay muuqaal ka duwan kii ay lahaan jirtey, marka loo eego saxmadda iyo ganacsiga. Warbixintan waxa Jowhar ka soo direy wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.
Wednesday, November 2, 2016
Diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka hoose oo maanta ka bilaabatay Cadaado
November 2 (Jowhar)— Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.
Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in maanta oo ku beegan taariikhda 2-bisha November ay si rasmi u bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta.
Afhayeenka ayaa sheegay in xareeyeen illaa 969 ergo, kuwaasoo dooranaya 19 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
“Musharaxiinta 19 kursi waxay iska diiwaan geliyaan xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug, inay yimaadaan xarunta doorashooyinka”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.
Afhayeenka ayaa sheegay in 7 kursi ay sugayan inay soo dhameystirayaan, isla markaana ay rajeynayaan in howshaas ay maalmaha soo socda u soo gaba gabowdo.
Degmada Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq dhaqaayo ku aadan doorashada Aqalka hoose, iyadoo ay ku qul qulayeen siyaasiyiin doonaya inay ku guuleystaan Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Tuesday, November 1, 2016
Baasaboorka Soomaaliya oo helay wada lagu aadi karo yaa ka mid ah
Taliska hoggaanka scdaalka Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaray Baasaboorka Soomaaliya, isagoona daaha ka rogay arrimo qarsoonaa oo ku wajahan shuruudo hor leh oo laga soo saaray qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah.
Maxamed Aadan Koofi Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inay khubaro u xilsaarayaan kala talisa sidii Baasaboorka ay ugu heli lahaayeen aqoonsi caalami ah, wuxuuna sheegay in dalalka caalamka qaarkood ay u socdaan wadahadalo arrintaasi ku saabsan.
Taliye Koofi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Somali Cable ayaa ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u dulqaataan shuruudaha lagu xiray qofka doonaya Baasaboorka, isagoona sheegay in shuruudaha qaarkood ay yihiin kuwo aad u adag.

Sunday, October 30, 2016
Hogaanmiye wanaagsan
Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa uhorqaadi kara
dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana lahogamiyaa
bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo jacaylka
waxa wanaagsan oo kaliya.
Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama
gadaal baa laga cadaadiyaa siay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarato
Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh
tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa.
Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa,
waxaana ka dhumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna dabamartaa dhinacay ku badbaadi
lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho,
kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba.
Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan
la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto,
noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya,
magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada.
Caddaynta ugu weyn ee taa aan usoo qaadan karraa waa in
Markuu Rasuulkeenii Suubana (scw) dhintay, Saxaabadii ayna kudegdagin inay
duugaan Meydka aadka usharafta badan, iyagoon dooranin Khaliifa/ Hogaamiye
Ummada majaraha uqabta. Saddex maalmood ayayna wadeen wadatashi iyo loolan
hogaamiye doorasho.
Waxayna doorteen Abuubakar Alsidiiq, Rabbi haka raali
noqdee, isaga ayaana qabtay Khaliif-nimadii ummada, loogana amar qaatay sidii
Rasuulka (scw) loo duugi lahaa lafteeda. Waxaa kaloo taa sii caddaynaya inuu
Rasuulku (scw) yiri (hadday saddex qof Safar ubaxaan ha doorteen Amiir/
Hogaamiye talada uqabta) siayna isaga hor imaanin. Maxaayeelay Ilaahay wuxuu
ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir.
Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo
Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan
Unugyada kale ee Aduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii system ay
kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, midwalibana keeno kanlkale intii ka
dhimanayd ama intii isaga looga baahnaa, isagoon kuwii kale dhibin, kana hor
imanin.
Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato
Hogaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada
kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin
qaybihii kale ee bulshada.
Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa Ummado waayay
Hogaan ujeexa Jidkay kugaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga
cabsado, siuuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo,
kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.
Mudnaanta ay leedahay in lahelo Hogaan sax ah, waamid aad u
weyn, maxaayeelay waxaa badan dadku inay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha
hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto
Hogaamiyahoodu).
Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri (2 Qaybood oo Bulshada
kamid ahi haday toosaan/Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa,
labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).
Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha
Hogaamiyuhu?
Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah
Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.
Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama ladhaxlaa, qaarna
waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa layiri saxaabi la oran jiray
Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado,
wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay
tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay).
Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye unoqday waqtigiisii hogaamiyaha
Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha
Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna
loo baahan yahay in loosii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye
hooyadii kutaa-maysay.
Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo
isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan. Isla markaana Ummadu ay
siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada ushaqaynayo,
hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda siixoojinayo.
Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way
badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan
karaa kuwan soo socda:
1. Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana
dagaalamaya qofkasta Hogaaiye manoqon karo.
2. Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo
gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaayeelay dadka qaarbaan kuu
hogaan-samaynin hadaada Afka wax ugalinin.
3. Caqli badan iyo garasho sare, siuu ukala sooci karo
dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta
uguhaboon ee laga bixin karo. (waxaa layiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa
hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu kudhamaado). Marka
qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad kujawaabi lahaa, Dagaal buu kabilaabaa,
meeshii Dagaal iyo raganimo ubaahnaydna wuu kaseexdaa.
4. Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah/ waxmatare
ahi, hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga
talaabsan, ummadiina waa laqabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood
lagaga haybaysto.
5. Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka
Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba maho-gaamin karo maadaama ay
adagtahay inuu kalagarto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan
qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka
kusheegay dhawr jeer, isagoo kuyiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay
kahad-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت
القَويُ الأمين Nabi Yuusufna
markuu kacodsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu kadhigo wasiirka Lacagta wuxuu
yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).
6. Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo
argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Ciyaalka, Hogaan sare
manoqon karo, maxaayeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa,
halkaana ummadii baa ku jabaysa.
7. Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay siadagna
uhaysto, (Yaqiin) diyaarna uah inuu Ummadiisa kuhogaamiyo kuhormariyo. Labadaa
tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; وجعلناهم أئمة يهدون بأمرنا لما صبروا وكانوا بآياتنا يوقنون
8. Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka latashanini
wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagujabaa, waana mid aan waqtiga
xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka aykeento. Waxaa kamid ahaa
dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oranjiray Saxaabadiisa markasta oo
ay kahortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala
isiiya/ ilataliya). Qofkii dadka latashadaa caqligooduu lawadaagaa, kala
faaiidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada
kaqaadaana isagaa iscariirya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid
iyo dulinimo.
Antonio Valencia injury: Manchester United right-back set for six weeks out after undergoing hand operation
MANCHESTER UNITED star Antonio Valencia is out for SIX WEEKS after a hand operation.
The Ecuador star will miss a chunk of games for Jose Mourinho‘s side and is also ruled out of his country’s next two World Cup qualifiers.
Keep up to date with ALL the Manchester United news, gossip, transfers and goals on our club page plus fixtures, results and live match commentary
Valencia needed surgery after playing through pain in the derby win against Manchester City when he picked up the fracture.
The United right back, one of the successes of the season at Old Trafford, refused to go off after a City player accidentally stood on his hand.
But Valencia had to have an op and is in plaster with a comeback unlikely until the middle of December.
Mourinho will have to rotate Matteo Darmian and Timothy Fosu-Mensah in his absence.

Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Top 10 Countries with Best Education Systems 2 years agoShubhankar BhattacharyaEducation We look at the youth of a country to lead the wa...
-
Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa uhorqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana lahogamiyaa bani ...