Tuesday, February 13, 2018

Monday, February 5, 2018

Mid kamid ah Baarayaasha Caalamiga ah oo lagu khaarajiyay Dalka kenya…

Esmond Bradley oo ahaa Mid ka mid ah baarayaasha ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska Wiyisha ayaa lagu dilay dalka Kenya.

Bradley oo 75 jir ahaa ayaa Axaddii maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi isagoo ay qoorta kaga taalo dhaawac mindi loo adeegsaday.

Waxa uu markii ugu horeysay yimid Kenya 1970 markaasi oo uu samaynayay baaritaano ku aadan foolasha Maroodiga ee laga ganacsdo.

Martin oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa daryeelka wiyisha ayaa caan ku ahaa in si qarsoodi ah uu ku ogaado qiimaha suuqyada madow ee foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Ninkani oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhawaan ka soo laabtay Myanmar oo uu cilmi baaris ka samaynayay, isagoo ku guda jiray markii uu dhimanayay geedi socodka qoridda natiijadii baaritaankaasi.

Booliiska ayaa baaraya dhimasahada Bradley Martin, waxayna ka shakisan yihiin inuu falkaas ahaa dhac fashilmay.

Ninkan ayaa muddo toboneeyo sano naftiisa halis u galiyay in si qarsoodi uu u sawiro oo uu qoraalo uga sameeyo foolasha Maroodiga iyo Wiyisha sida sharci darada ah loo iib geeyo.

Wasiir Beyle oo soo bandhigay Wixii u qabsoomay si kululna u weeraray Dadka kasoo horjeeda Canshuurta DFS…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C.raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta ka Warbixiyey Waxyaabaha u Qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Sanadkii lasoo dhaafay, Guulaha ay gaadhay iyo Waxyaabaha u Qorshaysan.Dhinaca kale Wasiir Bayle ayaa u jawaabay dadka dhaliilaya Canshuurta gadista ee Wasaarada Maaliyadda ay bilowday. “Wallaahi Billaahi Tallaahi inaad dalkan joogtaa qalad ah adeer

Tuesday, January 30, 2018

Su’aal xisaab ah oo aan la xalin karin oo la weeydiiyay ardayda Shiinaha

Dadka isticmaala baraha bulshada dalka Shiinaha ayaa dhaleeceeyay su'aal ku jirtay imtixaam arday laga qaadayay, taas oo aysanba suurtogal ahayn in la xaliyo.
Su'aasha oo la weeydiiyay ardayda dhigata fasalka 5aad, ayaa waxa ay u qorantahay "Haddii markab uu wado 26 ido ah, iyo 10 riyo ah, meeqa sano ayuu jiraa naaquudaha?".
Sawiro laga qaaday warqadda lagu soo daabacay su'aasha ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana ka dhashay dareen badan oo ay dadka qabeen, kuwaas oo xitaa su'aal galiyay maangalnimada su'aasha nooca ah.
Shiinaha oo hawada u diray satellite isgaarsiinta mobileka
Mid ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isweeydiiyay in macalinka su'aasha soo qorey uu isaga yaqaano jawaabta iyo inkale.
Balse saraakiisha waxbarashada Shiinaha ayaa sheegay in su'aasha ay ahayd mid si kama' ah kusoo gashay imtixaamka.
Ardayda midkood ayaa mala'awaalay jawaabta wuxuuna yiri "Naaquudaha ugu yaraan 18 jir waa ka weynyahay" isaga maanka ku haya in qof da'daas ka yar aanan loo ogolayn in uu gaadiid kaxeeyo.