Tuesday, June 13, 2017

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka

Kulan labo saacadood ah qaatay oo albaabada u xirnaayeen ayaa lala yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaana loo balan qaaday in la siin doono dowladiisa $80 milyan oo deg deg ah taasoo ka baxsan balanqaadkii afarta bilyan ah ahaa ee dowlada Sacuudigu ku yaboohday, balse farmaajo wa diiday isku day walba,”ayuu yiri weriye lagu magacaabo Jaber Al-Harimi oo ka tirsan wargeyska New Khaliij.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Khaliijka balse sacuudiga ayaan doonaya in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka xiriirka u jaray Qadar
Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku hanjabay inay dhaqaalaha gargaarka ah ka joojineyso dowlada Soomaaliya haddii aysan xiriirka u jarin dowlada Qadar ee walaalaha ah.

No comments:

Post a Comment