Monday, December 18, 2017

Khilaaf ka khaliijka oo saameeynta uu ku yeeshay Somaliya xaga siyaasada

Murankii ka dhashay mowqifka dowladda Somaliyaay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, markastana waxaa kasoo kordhaya wax cusub oo arrimaha sii murginaya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u talaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadinaya laamaha dowladeed ee Soomaaliya oo markii hore ku jiray xaalad dib usoo kabasho.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid ul booc ah ku kutubayay, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.

Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka xulufadaha Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dawladdaFarmaajo iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe siinaya awoodda ay go’aan uga gaadhi lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda Muqdisho ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

Maamulka Puntland ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu taageero ugu muujiyay dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna taageeray dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, waana mawqif ka duwan mawqifka uu qaatay Mr. Farmaajo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsiga dalka ka jira.

Waxa uu ku baaqay in uu Kismaayo ku fidinayo gogol la’isugu keenayo madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada si loo turxaan bixiyo madmadoowga soo baxay.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ka mid yahay labada hogaamiye ee aan ka hadlin moowqifkooda ku aadan khilaafka Khaliijka iyo go’aanka dhowladda dhexe.

Baarlamaanka Muqdisho ayaa iyaguna geestooda ku hanjabay inay u yeedhayaan safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho, waxaanay sheegeen inay mooshin ka keenayaan dawladda UAE.

Dhanka Mucaarad kana saameen ayuu ku yeesha waxaad aragta hada qaraabkii siyaasiyiin la diidan yahay in qaraabtaan waxaad arkaysaa in xeer ilaaliyaha lee yahay waxay galeen qaran dumis waxa hada xiran siyaasi c/raxmaan c/shakuur waxaa kalo hada jiray in xildhibaano iyo madax kale in la soo xira la rabo , Somaliyeey khilaaf ka khaliijka waa na saameeyay ma dhihi karna xaga siyaada xasiloonideena dowlada hada qaraab waa diiday mida siyaasiga midii maamul goboleedyadana waa laga cafiyay taasi waxaa laga waaxda cadaalada iyo xeel ilaaliyaha 

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo socda Muqdisho

Xaalado siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Tallaabada lagu xiray siyaasiga iyo weerarka habeen madow lagu qaaday gurigiisa ayaa durba ka dhashay fal celino kala duwan iyo abaabul siyaasadeed oo mar kaliya laga dareemay magaalada.

Inkastoo aanay wali dowladda Soomaaliya wax war ah ka soo saarin xariga Siyaasigan ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, hadana waxaa socda kulamo kala duwan oo dowladda dhexdeeda iyo kuwa ay leeyihiin siyaasiyiinta.

Wararka aanu ka heleyno Hotelka Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa arrintii xalay dhacday, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed.

Sidoo kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo ciidamo la dhigay, waxaana xiritaanka waddooyinka lagu sababeeyay xaqiijinta ammaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya dibad baxyo jiraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Sunday, December 17, 2017

Samo Raadis: Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisa...

Samo Raadis: Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisa...: Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay qiratay in lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay Barnaamij sir ah oo soo  bilow...

Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisay Barnaamij Sir ah

Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay qiratay in lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay Barnaamij sir ah oo soo  bilowday sanadkii 2007-dii soona socday ilaa 2012-kii.

Barnaamijkan sirta ah ayaa loogu tala galay in lagu ogaado waxa ay yihiin iyo cida isla leh wax u eg diyaarado aan heynbtooda la aqoon oo labgu arkayay hawada dalka Mareykanka.

Xubno yar oo kamid ahaa Wasaarada Difaacada dalka Mareykanka Pentagon ayaa la socday barnaamijkan sirta ah oo soo dhamaaday shan sano kahor, waxaana barnaamijkan Wasaarada uga baxay Malaayiin Dollar oo lacag ah.

Sida uu qoray Wargeyska New York Times waxaa barnaamijkan sirta ah soo bilaabay senetka lagu magacaabo Harry Reid, waxaana halkeeda kasii waday sanet kale oo laga soo doortay gobolka Nevada.

Waraaqo laga helay barnaamijka sirta ayaa muujiyay waxyaabo diyaarado u muuqaal eg oo si xowli ah ugu dul soconaya circa iyo kuwa ku wareegsanaya oo aan loo jeedin sida uu daabacay Wargeyska New York Times.

Harry Rei, oo ahaa Madaxa barnaamijkan ayaa beeniyay waxyaabaha lagu qoray Wargeyska New York Times, waxa uuna sheegay in baaritaanka la sameeyay uu la xariiray arimo khuseeya amniga iyo Seyniska.


Thursday, December 14, 2017

Layaab ka Dunida Ganacsade Caan ah oo loo sheegay in uu dhiman rabo balse dhigtay Xaflad Soo dhaweyn ah…

Ganacsade caan ah oo u dhashay dalkaasi Japan islamarkaana lagu magacaabo Satoru Anzaki (80-jir) ayaa xaflad uu kusoo dhoweynayo dhimashadiisa waxa uu ku qabsaday hotel ku yaala magaalada Tokyo kadib markii uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee Kansarka, ayna dhakhaatiirtu u sheegeen in uu dhowaan dhimanayo.

Ogeysiis ayuu waxa uu ku qoray jaraa`idka ka hor xafladda kaas oo uu ugu digayo qaraabada, asxaabtiisa iyo ciddii kale ee taqaana in ay kasoo qeyb galaan xaflad uu ku sagootinayo noloshiisa oo ka dhaceysa hotel ku yaal magaalada Tokyo.

In ka badan kun qof ayaa xafladda kasoo qeyb galay, waxaa uu mr. Satoru uu uga mahadceliyay kasoo qeybgalayaasha wixii ay nolosha iskala soo mareen, waxa ay u qabteen iyo waxa uu isagu u qabtayba.

Ninkan oo gaariga dadka lagu riixo lagu keenay goobta xafladda ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay nolosha uu soo maray iyo waqtiga wanaagsan ee uu soo qaatay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay xafladdan mid u eg nin qabsaday xaflad aas isaga oo nool.


xigasho
http://badweyntimes.com

Tuesday, June 13, 2017

Inaad Naftaada Dhisto Oo Aad Noqoto Qof Isku Kalsoon

Haddaba sideed ku noqon kartaa qof naftiisa dhisa aamina-na awoodihiisa?. Qodobadan soo socda waxa ay kaa caawin doonaan inaad noqoto qof ku tiirsan naftiisa oo aaminsan waxa ay gacantiisu u goyso:

Ku fakar inaad tahay qof isku filan: markasta waxa ugu mudan oo muhiim ah waxa qofku niyadiisa ku hayo kana dhaadhiciyo. Aammin inaad tahay qof dhamaystiran oo leh awoodo badan. Ku xidhnow naftaada oo la sheekayso. Fahan waxyaabaha aad ku wanagsantahay, kuwa aad ku yara liidatana isku day inaad xoojiso. Ha ku odhan naftaada erayada qalbiga dila. Sida waxba kuma fiicnid, tamar ma lihid, waad hoosaysaa, liidataa, qayrkaa way kaa horreyaan, IWM.

Aamin naftaada: Qofka koowaad ee ay tahay inaad ka hesho aaminaad iyo kalsooni waa naftaada. ku kalsoonow qofka aad tahay. Ma jiro qof kuu dhigma ama kula mid ah adduunkan, lamana soo helayo qof meelkasta aad iskaga mid tihiin amma iskaga mid tihiin oo badalkaaga noqon kara, waana sida Rabbigii ina abuuray ugu talo galay. Sidaa darteed waa kugu ceeb iyo nusqaan ah, inaanad naftaada aaminsanayn oo aanad qiimahaaga aqoon.

Bar naftaada sidii aad u noqon lahayd qof isku filan. Waa sunaha nolosha inaad la kulanto dhibaatooyin kala duwan inta aad nooshahay, balse sida aad u waajahayso ee qofkasta oo innaga mid ahi u waajahayo ayaa kala duwan. Haddii aad awal ahayd qof markasta dadka dhankooda u orda oo gargaar waydiista marka ay arimuhu ku cuslaadaan, waxa fiican oo aan kugu dhiirigelinayaa inaad naftaada ku carbisid inay xalliso oo ay waajahdo dhibaato kasta oo ka hortimaada. Kuma talinayo oo ma lihi, noqo kelidii noole balse adiga oo Allehii ku abuurtay isku xidhaya oo isaga weydiisanaya gargaar, haddana isku day inaad qof ahaan muujiso adkaysi iyo isku filnaansho. Ma jirto mana dhacdo inay kugu timaaddo dhibaato aan xal lahayn. Keliya waxaa kula gudboon inaad indhaha kala furto, kuna fakarto xal sidii aad u heli lahayd.

La saaxiib naftaada oo la sheekayso, ku xidhnaw oo wehel ka dhigo. Waan hubaa inay kuu fududaanayso noloshu oo aad kelidaa waxbadan fushan doontid. Ma cidloon doontid oo waad faraxsanaan doontaa iyada oo aanay cidiba kugu hareeraysnayn. Nafta oo aad la saaxiibtaa waxay kugu abuuraysaa kalsooni farabadan oo aad ku qaabisho mawjadaha kala gedisan ee kusoo maraya.

Baro xirfad aad kusoo saartid nolol maalmeedkaaga. Inaad xirfad barataa waxay kuu sahlaysaa inaad shaqaysato oo aad wax soo saar samayso, umana baahan doontid inaad qayrkaa gacmaha hoorsatid. Haddii hayntu kuu sahashana abuur ganacsi kuu gaar ah, laga yaabee inay kuu ballaadhato oo aad noqoto ganacsade weyn, ogow buuruhuba waa qururux ururay.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka

Kulan labo saacadood ah qaatay oo albaabada u xirnaayeen ayaa lala yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaana loo balan qaaday in la siin doono dowladiisa $80 milyan oo deg deg ah taasoo ka baxsan balanqaadkii afarta bilyan ah ahaa ee dowlada Sacuudigu ku yaboohday, balse farmaajo wa diiday isku day walba,”ayuu yiri weriye lagu magacaabo Jaber Al-Harimi oo ka tirsan wargeyska New Khaliij.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Khaliijka balse sacuudiga ayaan doonaya in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka xiriirka u jaray Qadar
Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku hanjabay inay dhaqaalaha gargaarka ah ka joojineyso dowlada Soomaaliya haddii aysan xiriirka u jarin dowlada Qadar ee walaalaha ah.