Wednesday, January 3, 2018

Samo Raadis: Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaid...

Samo Raadis: Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaid...: Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo  damaashaad tagaan, waxaa  hareeraha ...

Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaido Badan Sameeya

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo  damaashaad tagaan, waxaa  hareeraha xeebta ku teedsan ganacsiyo yar yar oo shaqeeya   kaliya maalmaha Khamiista iyo Jimcaha waana  maalmaha ay ugu mashquulka badan tahay xeebta Liido marka loo eego maalmaha kale ee todobaadka.

Kumanaan qof oo isugu jira da’yar iyo duqoow oo Liido usoo dalxiistaga ayaa ka adeegta ganacsiyada ka shaqeeya xeebta  kana hela waxyaabaha ay ubaahanyihiin.

Goobo lagu iibiyo cunnooyinka fudud, cabitaano, jalaatada, jaakadaha dabaasha, iyo goobo lagu kireeyo doomaha ayaa ka mid ah meelaha ugu dhaqdhaqaaqa badan.

Sidoo kale waxaa jira haween iyaguna ka macaasha heynta dharka iyo agabyada kale sida taleefoonada gacanta  oo ay leeyihiin dadka ku dabaalaanaya badda.
Sidoo kale ganacsiyada ka jira xeebta Liido waxaa kamid ah doomo dadka u fududeeyo in ay ku dalxiisaan badda gudaheeda maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayeyna si aad ah u shaqeeyaan doomahaas.
dadka iska leh doomaha ay ku dalxiisaan shacabka  u soo damaashaad taga xeebta Liido oo ka hadlaya qiimaha lacageed ay dadku uga kireeyaan doomaha ayaa yiri “doomahan  maalmaha Sabtida illaa Arbaca waxaan u adeegsannaa kalluumeysi  laakiin maalmaha Khamiista iyo Jimcaha dadka oo badan awgiis waxaan u adeegsanaa in aan ka kireyno dadka usoo damaashaad taga bada, waxaan ku kireynaa qiimo dhan 22,000 Shilinka Somaaliga ah oo u dhiganta 1 dollar. Balse marka ay dadku badanyihiin waxaan u sameynaa discount  ama qiimo dhimis”

English Today Business Level Two

Tuesday, January 2, 2018

Somalida Cusub Xaalqaado ?

Intaa kabacdi aqrisoow! Caqliga EEBE wuxuu inoosiiyey in aan kufikirnee, hadii dowladu weerareeyso senator Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka, oo xasaanad dastuuri ah leh, maxeey ucodsaneeysey in xasaanada marka hore lagaqaado laba Xildhibaan, oo aan sida Qeybdiid looyaqaanoo kale loo aqoon? Waxbaa khaldane yaan dowlada lagu fududaan marka!

Weerarkii maalintii Sabtida, taariikhduna kubeegneyd Disimber 30, 2017-ka ee kadhacay guriga senator Cabdi X.C.Qeyb-Diid isagoonba joogin, kaasoo eey geeysteen ciidamada Imaaraatka sootababartay, ee aan amar dowlada Soomaaliya ah kusocon, sida latuhunsan yahay wuxuu ahaa shirqool-Siyaasadeed oo Imaaraarka maleegtay, balse nasiibwanaag! Kafashilmay. Waase Allaah mahadiis in dowladu hore kafahamtay, degdegna uga hadashayoo uga jawaab bixisay.

Waxaa degdeg uga hadlay, sharcidaro ku tilmaamay, in labaaro kuwii kadambeeyeyna sharciga lahorkeeno amar kubixiyey madax uu ugu horeeyey Madaxweeynaha qaranka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Raysalwasaaraha Xasan Cali Kheyre, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha ciidamada qalabka-Sida Gen. Cabdiweli Gorod, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqqdisho Thaabit Cabdi ……….IWM.

MUXUU AHAA HADAFKA WEERARKAA LAGALAHAA?


Sida loofasirankaro hadafka Imaaraatku kalahaayeen weerarkaa wuxuu ahaa:

A-In dowlada iyo labada aqale Baarlamaanka la isku diro, iyadoo loodirayo fariin ah, in xitaa xasaanad eeysan dowladan ku dhowreyn dhaamaantood, taasoo micnaheedu noqonayo, midkastoo iyaga kamid ah in laweerari karo, sidaa daraadeedna tahay in eey mooshinnada Imaaraatka kadhexwado eey wada saxiixaan, lacagtoodana qaataan, dowladana laridaan Imaaraatka. Ogoow! Labada aqal waa meelaha eey mooshinnada lacagaha kubixineeyso kawado Imaaraatka, illaa hadana lacagihii shaqeyn la’yihiin.

B-Wuxuu sidoo kale hadafku ahaa in “Beel gaar ah” lagu kiciyo, maadaama CC Shakuur oo eey CXC. Qeeybdiid isku beel yihiin, weerarkiisiina dowladu qaaday, balse CC Shakuur aanu laheyn wax xasaanad ah, maadaama aanu kujirin labada aqal midkoodna, waxaa fariinta weerarkan lagu gudbinayo larabay in eey noqoto, “War xitaa kiinii xasaanada lahaa lama dhaafayo!”, taasoo caadifad kicin ( emotional blackmailing) in badan oo qabyaalada lajadbeysan ugu filnaan laheyd, si dowlada loogu furo qalalaase hor leh.

Tuesday, December 26, 2017

Monday, December 18, 2017

Khilaaf ka khaliijka oo saameeynta uu ku yeeshay Somaliya xaga siyaasada

Murankii ka dhashay mowqifka dowladda Somaliyaay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, markastana waxaa kasoo kordhaya wax cusub oo arrimaha sii murginaya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u talaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadinaya laamaha dowladeed ee Soomaaliya oo markii hore ku jiray xaalad dib usoo kabasho.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid ul booc ah ku kutubayay, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.

Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka xulufadaha Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dawladdaFarmaajo iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe siinaya awoodda ay go’aan uga gaadhi lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda Muqdisho ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

Maamulka Puntland ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu taageero ugu muujiyay dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna taageeray dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, waana mawqif ka duwan mawqifka uu qaatay Mr. Farmaajo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsiga dalka ka jira.

Waxa uu ku baaqay in uu Kismaayo ku fidinayo gogol la’isugu keenayo madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada si loo turxaan bixiyo madmadoowga soo baxay.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ka mid yahay labada hogaamiye ee aan ka hadlin moowqifkooda ku aadan khilaafka Khaliijka iyo go’aanka dhowladda dhexe.

Baarlamaanka Muqdisho ayaa iyaguna geestooda ku hanjabay inay u yeedhayaan safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho, waxaanay sheegeen inay mooshin ka keenayaan dawladda UAE.

Dhanka Mucaarad kana saameen ayuu ku yeesha waxaad aragta hada qaraabkii siyaasiyiin la diidan yahay in qaraabtaan waxaad arkaysaa in xeer ilaaliyaha lee yahay waxay galeen qaran dumis waxa hada xiran siyaasi c/raxmaan c/shakuur waxaa kalo hada jiray in xildhibaano iyo madax kale in la soo xira la rabo , Somaliyeey khilaaf ka khaliijka waa na saameeyay ma dhihi karna xaga siyaada xasiloonideena dowlada hada qaraab waa diiday mida siyaasiga midii maamul goboleedyadana waa laga cafiyay taasi waxaa laga waaxda cadaalada iyo xeel ilaaliyaha 

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo socda Muqdisho

Xaalado siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Tallaabada lagu xiray siyaasiga iyo weerarka habeen madow lagu qaaday gurigiisa ayaa durba ka dhashay fal celino kala duwan iyo abaabul siyaasadeed oo mar kaliya laga dareemay magaalada.

Inkastoo aanay wali dowladda Soomaaliya wax war ah ka soo saarin xariga Siyaasigan ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, hadana waxaa socda kulamo kala duwan oo dowladda dhexdeeda iyo kuwa ay leeyihiin siyaasiyiinta.

Wararka aanu ka heleyno Hotelka Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa arrintii xalay dhacday, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed.

Sidoo kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo ciidamo la dhigay, waxaana xiritaanka waddooyinka lagu sababeeyay xaqiijinta ammaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya dibad baxyo jiraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.