Thursday, January 4, 2018
Wednesday, January 3, 2018
Samo Raadis: Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaid...
Samo Raadis: Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaid...: Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo damaashaad tagaan, waxaa hareeraha ...
Xeebta Liido Oo Maalmaha Khamiista & Jimcaha Faaido Badan Sameeya
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah goob inta badan dadka ku dhaqan gobalkan Benaadir ay usoo damaashaad tagaan, waxaa hareeraha xeebta ku teedsan ganacsiyo yar yar oo shaqeeya kaliya maalmaha Khamiista iyo Jimcaha waana maalmaha ay ugu mashquulka badan tahay xeebta Liido marka loo eego maalmaha kale ee todobaadka.
Kumanaan qof oo isugu jira da’yar iyo duqoow oo Liido usoo dalxiistaga ayaa ka adeegta ganacsiyada ka shaqeeya xeebta kana hela waxyaabaha ay ubaahanyihiin.
Goobo lagu iibiyo cunnooyinka fudud, cabitaano, jalaatada, jaakadaha dabaasha, iyo goobo lagu kireeyo doomaha ayaa ka mid ah meelaha ugu dhaqdhaqaaqa badan.
Sidoo kale waxaa jira haween iyaguna ka macaasha heynta dharka iyo agabyada kale sida taleefoonada gacanta oo ay leeyihiin dadka ku dabaalaanaya badda.
Sidoo kale ganacsiyada ka jira xeebta Liido waxaa kamid ah doomo dadka u fududeeyo in ay ku dalxiisaan badda gudaheeda maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayeyna si aad ah u shaqeeyaan doomahaas.
dadka iska leh doomaha ay ku dalxiisaan shacabka u soo damaashaad taga xeebta Liido oo ka hadlaya qiimaha lacageed ay dadku uga kireeyaan doomaha ayaa yiri “doomahan maalmaha Sabtida illaa Arbaca waxaan u adeegsannaa kalluumeysi laakiin maalmaha Khamiista iyo Jimcaha dadka oo badan awgiis waxaan u adeegsanaa in aan ka kireyno dadka usoo damaashaad taga bada, waxaan ku kireynaa qiimo dhan 22,000 Shilinka Somaaliga ah oo u dhiganta 1 dollar. Balse marka ay dadku badanyihiin waxaan u sameynaa discount ama qiimo dhimis”
Tuesday, January 2, 2018
Somalida Cusub Xaalqaado ?
Intaa kabacdi aqrisoow! Caqliga EEBE wuxuu inoosiiyey in aan kufikirnee, hadii dowladu weerareeyso senator Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka, oo xasaanad dastuuri ah leh, maxeey ucodsaneeysey in xasaanada marka hore lagaqaado laba Xildhibaan, oo aan sida Qeybdiid looyaqaanoo kale loo aqoon? Waxbaa khaldane yaan dowlada lagu fududaan marka!
Weerarkii maalintii Sabtida, taariikhduna kubeegneyd Disimber 30, 2017-ka ee kadhacay guriga senator Cabdi X.C.Qeyb-Diid isagoonba joogin, kaasoo eey geeysteen ciidamada Imaaraatka sootababartay, ee aan amar dowlada Soomaaliya ah kusocon, sida latuhunsan yahay wuxuu ahaa shirqool-Siyaasadeed oo Imaaraarka maleegtay, balse nasiibwanaag! Kafashilmay. Waase Allaah mahadiis in dowladu hore kafahamtay, degdegna uga hadashayoo uga jawaab bixisay.
Waxaa degdeg uga hadlay, sharcidaro ku tilmaamay, in labaaro kuwii kadambeeyeyna sharciga lahorkeeno amar kubixiyey madax uu ugu horeeyey Madaxweeynaha qaranka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Raysalwasaaraha Xasan Cali Kheyre, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha ciidamada qalabka-Sida Gen. Cabdiweli Gorod, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqqdisho Thaabit Cabdi ……….IWM.
MUXUU AHAA HADAFKA WEERARKAA LAGALAHAA?
Sida loofasirankaro hadafka Imaaraatku kalahaayeen weerarkaa wuxuu ahaa:
A-In dowlada iyo labada aqale Baarlamaanka la isku diro, iyadoo loodirayo fariin ah, in xitaa xasaanad eeysan dowladan ku dhowreyn dhaamaantood, taasoo micnaheedu noqonayo, midkastoo iyaga kamid ah in laweerari karo, sidaa daraadeedna tahay in eey mooshinnada Imaaraatka kadhexwado eey wada saxiixaan, lacagtoodana qaataan, dowladana laridaan Imaaraatka. Ogoow! Labada aqal waa meelaha eey mooshinnada lacagaha kubixineeyso kawado Imaaraatka, illaa hadana lacagihii shaqeyn la’yihiin.
B-Wuxuu sidoo kale hadafku ahaa in “Beel gaar ah” lagu kiciyo, maadaama CC Shakuur oo eey CXC. Qeeybdiid isku beel yihiin, weerarkiisiina dowladu qaaday, balse CC Shakuur aanu laheyn wax xasaanad ah, maadaama aanu kujirin labada aqal midkoodna, waxaa fariinta weerarkan lagu gudbinayo larabay in eey noqoto, “War xitaa kiinii xasaanada lahaa lama dhaafayo!”, taasoo caadifad kicin ( emotional blackmailing) in badan oo qabyaalada lajadbeysan ugu filnaan laheyd, si dowlada loogu furo qalalaase hor leh.
Tuesday, December 26, 2017
Samo Raadis: Khilaaf ka khaliijka oo saameeynta uu ku yeeshay S...
Samo Raadis: Khilaaf ka khaliijka oo saameeynta uu ku yeeshay S...: Murankii ka dhashay mowqifka dowladda Somaliyaay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaa...
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Top 10 Countries with Best Education Systems 2 years agoShubhankar BhattacharyaEducation We look at the youth of a country to lead the wa...
-
Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa uhorqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana lahogamiyaa bani ...
