Sunday, January 21, 2018

Maxaa diiday in la raaaco habraaca sharci xil macabista iyo xilka qaadista sharciga dastuurka in la raaco

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray qoraal xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Haddaba Magacaabistaan iyo xil ka qaadista dhacday ayaa durba waxaa laga calaamadeeyey qaladaad ku jir

1) Guddoomiye Thaabit xilka lagama qaadin: Qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha laguma sheegin in xilkii laga qaaday Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed, taas badalkeeda kaliya waxaa la sheegay magacaabis cusub, waxayna aheyd in marka hore guddoomiyaha xilka laga qaado kadibna midka cusub la magacaabo.

2) Degreeto Madaxweyne: Xil magacaabistaan kuma aysan soo bixin Degreeto Madaxweyne, sidoo kalana Email-ka rasmiga ah ee Xafiiska war Faafinta Madaxtooyada lagama soo dirin

3) Wasiirka Arrimaha Gudaha waxba kalama socdo: Qaladka ugu weyn ee muuqdo ayaa ah inuusan arrintaan ka war qabin wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana kaliya qoraalka soo baxay lagu sheegay inay soo jeedin sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkii ay aheyd inuu soo jeedin sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Ra’isulwasaare Kheyre si cad uga diiday inuu soo saaro soo jeedin uu ku dalbadanayo in xilka laga qaado Guddoomiye Thaabit, waxaana muuqato in magacaabistaan loo isticmaalay Magaca Wasaaradda iyadoo uusan raali ka aheyn Wasiirka.

4) Eng. Yariisow Xilkii Wasiirnimo weli wuu hayaa: Eng. Yariisow oo ah Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay Duqa Muqdisho weli xilkii Wasiirnimo wuu hayaa, mana la sheegin in laga qaaday.



http://badweyntimes.net

Saturday, January 13, 2018

Quruxda Caasimada muqdisho iyo Goobaha Dalxiiska baro

Daawo sawirada Damaashaadka Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho maalinta jimacaha oo ah maalinta kaliyaah ee laga nasanayo shaqooyinka ayaa waxaa halkaasi isugu yimid qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo ka nasanaya mashquulka maalmaha kale sida shaqada, iyo Waxbarashada.

Sawiradan ayaa waxa ay ku tusayaan muuqaalka iyo jawiga xeebta Liido, iyadoo mujtamaca u soo damaashaadka taga ay isbuuc walba isbuuca ka danbeeya ay intaasi kasii badanayaan.















Amaanka xeebta liido ayaa hadda ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamadu booliskuna ay ilaalinayaan amniga iyo degenaanta xeebta liido ayaa waxaa kaloo xeebta ku sugan ciidamada Badbaadada xeebta (lifeguard) kuwaas oo soo badbaadiyo dadka ay biyaha la tagaan.



Hadaba Meelaha loo Dalxiiis Tago ee Dagmada Dayniile ayaa Waxaa inuu suuragashay in aan Sawiro kasoo Qaadno si aan Shacabka Soomaaliyeed Kuwooda Dalxiiska u tagaya Magalada Muqdisho ee u soo booqdaan goobahaan Laga Hirgaliyay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Maxamed Cali Jiisow oo ah Milkiilaha Goobtaan loo soo Dalxiis Tago ayaa Mar aan wax ka waydiinay Sida uu Dareenkiisa Yiri “waxaan aad u jecleystay in aan maalgalin ku sameeyo dalkayga hooyo waayoo meel ii dhaanta ma jirto dalkeyga qurbo waan soo arkay Maantana waxaan jeclahay In aan Maal galiyo dalkayga jooyo ee Soomaaliya“

How to Make Money with YouTube Monetiztion and Adsense 2018