Thursday, December 14, 2017

Layaab ka Dunida Ganacsade Caan ah oo loo sheegay in uu dhiman rabo balse dhigtay Xaflad Soo dhaweyn ah…

Ganacsade caan ah oo u dhashay dalkaasi Japan islamarkaana lagu magacaabo Satoru Anzaki (80-jir) ayaa xaflad uu kusoo dhoweynayo dhimashadiisa waxa uu ku qabsaday hotel ku yaala magaalada Tokyo kadib markii uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee Kansarka, ayna dhakhaatiirtu u sheegeen in uu dhowaan dhimanayo.

Ogeysiis ayuu waxa uu ku qoray jaraa`idka ka hor xafladda kaas oo uu ugu digayo qaraabada, asxaabtiisa iyo ciddii kale ee taqaana in ay kasoo qeyb galaan xaflad uu ku sagootinayo noloshiisa oo ka dhaceysa hotel ku yaal magaalada Tokyo.

In ka badan kun qof ayaa xafladda kasoo qeyb galay, waxaa uu mr. Satoru uu uga mahadceliyay kasoo qeybgalayaasha wixii ay nolosha iskala soo mareen, waxa ay u qabteen iyo waxa uu isagu u qabtayba.

Ninkan oo gaariga dadka lagu riixo lagu keenay goobta xafladda ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay nolosha uu soo maray iyo waqtiga wanaagsan ee uu soo qaatay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay xafladdan mid u eg nin qabsaday xaflad aas isaga oo nool.


xigasho
http://badweyntimes.com

Tuesday, June 13, 2017

Inaad Naftaada Dhisto Oo Aad Noqoto Qof Isku Kalsoon

Haddaba sideed ku noqon kartaa qof naftiisa dhisa aamina-na awoodihiisa?. Qodobadan soo socda waxa ay kaa caawin doonaan inaad noqoto qof ku tiirsan naftiisa oo aaminsan waxa ay gacantiisu u goyso:

Ku fakar inaad tahay qof isku filan: markasta waxa ugu mudan oo muhiim ah waxa qofku niyadiisa ku hayo kana dhaadhiciyo. Aammin inaad tahay qof dhamaystiran oo leh awoodo badan. Ku xidhnow naftaada oo la sheekayso. Fahan waxyaabaha aad ku wanagsantahay, kuwa aad ku yara liidatana isku day inaad xoojiso. Ha ku odhan naftaada erayada qalbiga dila. Sida waxba kuma fiicnid, tamar ma lihid, waad hoosaysaa, liidataa, qayrkaa way kaa horreyaan, IWM.

Aamin naftaada: Qofka koowaad ee ay tahay inaad ka hesho aaminaad iyo kalsooni waa naftaada. ku kalsoonow qofka aad tahay. Ma jiro qof kuu dhigma ama kula mid ah adduunkan, lamana soo helayo qof meelkasta aad iskaga mid tihiin amma iskaga mid tihiin oo badalkaaga noqon kara, waana sida Rabbigii ina abuuray ugu talo galay. Sidaa darteed waa kugu ceeb iyo nusqaan ah, inaanad naftaada aaminsanayn oo aanad qiimahaaga aqoon.

Bar naftaada sidii aad u noqon lahayd qof isku filan. Waa sunaha nolosha inaad la kulanto dhibaatooyin kala duwan inta aad nooshahay, balse sida aad u waajahayso ee qofkasta oo innaga mid ahi u waajahayo ayaa kala duwan. Haddii aad awal ahayd qof markasta dadka dhankooda u orda oo gargaar waydiista marka ay arimuhu ku cuslaadaan, waxa fiican oo aan kugu dhiirigelinayaa inaad naftaada ku carbisid inay xalliso oo ay waajahdo dhibaato kasta oo ka hortimaada. Kuma talinayo oo ma lihi, noqo kelidii noole balse adiga oo Allehii ku abuurtay isku xidhaya oo isaga weydiisanaya gargaar, haddana isku day inaad qof ahaan muujiso adkaysi iyo isku filnaansho. Ma jirto mana dhacdo inay kugu timaaddo dhibaato aan xal lahayn. Keliya waxaa kula gudboon inaad indhaha kala furto, kuna fakarto xal sidii aad u heli lahayd.

La saaxiib naftaada oo la sheekayso, ku xidhnaw oo wehel ka dhigo. Waan hubaa inay kuu fududaanayso noloshu oo aad kelidaa waxbadan fushan doontid. Ma cidloon doontid oo waad faraxsanaan doontaa iyada oo aanay cidiba kugu hareeraysnayn. Nafta oo aad la saaxiibtaa waxay kugu abuuraysaa kalsooni farabadan oo aad ku qaabisho mawjadaha kala gedisan ee kusoo maraya.

Baro xirfad aad kusoo saartid nolol maalmeedkaaga. Inaad xirfad barataa waxay kuu sahlaysaa inaad shaqaysato oo aad wax soo saar samayso, umana baahan doontid inaad qayrkaa gacmaha hoorsatid. Haddii hayntu kuu sahashana abuur ganacsi kuu gaar ah, laga yaabee inay kuu ballaadhato oo aad noqoto ganacsade weyn, ogow buuruhuba waa qururux ururay.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka

Kulan labo saacadood ah qaatay oo albaabada u xirnaayeen ayaa lala yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaana loo balan qaaday in la siin doono dowladiisa $80 milyan oo deg deg ah taasoo ka baxsan balanqaadkii afarta bilyan ah ahaa ee dowlada Sacuudigu ku yaboohday, balse farmaajo wa diiday isku day walba,”ayuu yiri weriye lagu magacaabo Jaber Al-Harimi oo ka tirsan wargeyska New Khaliij.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Khaliijka balse sacuudiga ayaan doonaya in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka xiriirka u jaray Qadar
Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku hanjabay inay dhaqaalaha gargaarka ah ka joojineyso dowlada Soomaaliya haddii aysan xiriirka u jarin dowlada Qadar ee walaalaha ah.

Monday, June 12, 2017

Wan subag sii

waa maqaal yar oo aan rabo in aan ku sharaxo waxa aan ula jeedo wan subag sii markii la doortey farmaajo waxa uu raisal wasaare u doortey nin ladan oo ka yimih qurbaha, asiga waxaa uu keensaday wasiiro u badan quraba joog ama dad ladan ayagiina waxay shaqaalo ama agaasimayaal u shaqaalaysiisteen qurba joog shaqsiyaad ladan waxaan is waydiiyay dad kii qorax joogta wadan kii waa laga xigsaday oo waxaa laga dhigay dad aan wadiniyeen aheen ama wax ma tarayaal ah sida ka muuqata nidaam ka hada jira ma u aragtaa arintaan in ay tahay wan subax sii nin ladan wax ku darso si adiga barito aad wax u hesho arintaad dad badin waa ay fahansanyihiin waxaan filaa in ay gabar gaaban u gu fadhiyaan qurba joog ...... 

Sunday, November 6, 2016

Doorashadii Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle oo dib u dhacday iyo Xiisad taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirhabele ayaa sheegaya in maanta uu dib u dhac ku yimid doorashadii la filayay in lagu doorto Xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Hirhabelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa lagu wargaliyay in maanta uu dib u dhac ku yimid doorashada xubnaha Aqalka sare, walina lama shaacin waqtiga la dhageesanayo Khudbadaha musharixiinta iyo sidoo xiliga ay dhaceyso doorashada Xubnaha Aqalka sare.
Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay liiska Musharxiinta Aqalka sare uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka taagan magaalada Jowhar, Madaxweynaha ayaana labo liis oo kala duwan saacado gudahood soo saaray taa oo abuurtay xiisada.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa kasoo horjeeda Liisaska kala duwan uu soo saaray Madaxweyne Cosoble, waxa ayna Xildhibaano badan saxiixeen Warqad ay uga soo horjeedaan sida uu wax u wado Madaxweynaha.
Kulamo siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Jowhar oo xal loogu raadinayo sidii ay u qabsoomi laheed doorashada Xubnaha Aqalka sare, waxa ayna taa badalkeeda Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyana wadaan abaabulo ay kaga soo horjeedaan Liiska Madaxweyne Cosoble.

Doorashada Xubnaha Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirhabelle ayaa lacag cabsi qabaa in uu ku yimaado db u dhac maalmo qaadata, waxaana arimahan imaanayaan xili maamulada kale qaarkood bilaabeen in ay doortaan Xubnaha aqalka hoose ku matalaya.

Thursday, November 3, 2016

Jowhar oo ay ku Qul Qulayaan Dad Xil Doon ah si ay u helaan aqalka sare

Magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku qulqulaya Siyaasiyiin iyo Musharaxiin damac kaga jira qabashada xilalka Aqallada Hoose iyo Midka Sare ee dowladda cusub ee Soomaaliya.

Arrintaasi, ayaa magaalada Jowhar u yeeshay muuqaal ka duwan kii ay lahaan jirtey, marka loo eego saxmadda iyo ganacsiga. Warbixintan waxa Jowhar ka soo direy wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.

Wednesday, November 2, 2016

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka hoose oo maanta ka bilaabatay Cadaado

November 2 (Jowhar)— Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in maanta oo ku beegan taariikhda 2-bisha November ay si rasmi u bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xareeyeen illaa 969 ergo, kuwaasoo dooranaya 19 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Musharaxiinta 19 kursi waxay iska diiwaan geliyaan xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug, inay yimaadaan xarunta doorashooyinka”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Afhayeenka ayaa sheegay in 7 kursi ay sugayan inay soo dhameystirayaan, isla markaana ay rajeynayaan in howshaas ay maalmaha soo socda u soo gaba gabowdo.

Degmada Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq dhaqaayo ku aadan doorashada Aqalka hoose, iyadoo ay ku qul qulayeen siyaasiyiin doonaya inay ku guuleystaan Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka.